Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya ayaa xoojisay dadaallada lagu xallinayo caqabadaha ka haysta ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u taga Kenya, iyadoo hormuud u ah hirgelinta aqoonsiga iyo isu-ekeysiinta shahaadooyinka dugsiyada sare ee Soomaaliya iyo Kenya.
Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Golaha Imtixaanaadka Qaranka Kenya (KNEC), Dr. David Njengere. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka laga gaaray diyaarinta dukumiintiyada looga baahan yahay geeddi-socodka aqoonsiga shahaadooyinka.
Danjire Jabriil ayaa sheegay in Safaaraddu si dhow ula shaqaynayso hay’adaha ay khusayso si loo dhammaystiro dukumiintiyada harsan, loona dedejiyo hanaanka aqoonsiga. Dhankiisa, Dr. David Njengere ayaa xaqiijiyay in KNEC ay si degdeg ah u bilaabi doonto qiimeynta farsamo marka la helo dhammaan dukumiintiyada loo baahan yahay.
Lataliyaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Sujuu, ayaa isaguna caddeeyay in Wasaaradda Waxbarashada ay si buuxda u taageerayso codsiyada iyo wada shaqeynta ay la leedahay hay’adaha waxbarashada Kenya.
Labada dhinac ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah oo kormeera dhammaystirka isu-ekeysiinta shahaadooyinka, waxaana la qorsheeyay in geeddi-socodka qiimeynta lagu soo gabagabeeyo bisha Sebtembar si ardayda Soomaaliyeed ay ula jaanqaadaan bilowga sannad-dugsiyeedka jaamacadaha Kenya.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah kumannaan arday Soomaaliyeed oo doonaya inay waxbarashadooda sare ku sii wataan Kenya, isla markaana kor u qaadaysa iskaashiga waxbarasho ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
