Qaar ka mid ah gidaarada guryaha dumay ee badhtamaha magaalada Qasa, ayaa Layan oo ah gabadh yar oo reer F-lastiin ayaa si farshaxan leh ugu sawirtey Pedro Sanchez, Ra’iisal Wasaaraha Spain.
Layan waxay sheegtay in sawirkan ay ku muujineyso jacaylka iyo mahadnaqa ay caruurta Qasa u hayaan Ra’iisal Wasaaraha Spain iyo shacabka Spanish-ka, kuwaasoo xili aad u adag garab istaagay shacabka dhibaateysan ee F-lastiin.
Pedro Sanchez wuxuu kasbaday quluubta shacabka F-lastiin balse taas kuma guuleysan Hogaamiyeyaasha muslimiinta ee ka taliya in kabadan 50 Dowladood oo Dunida ah.

