Afhayeenka Ciidanka Iiraan Oo ka Hadlay Weeraro Khasaaro u Gaystay Ciidanka Maraykanka Oo Ay ku Qaadeen.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, Jeneraal Hossein Mohebbi, oo caawa la hadlay wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim ayaa soo bandhigay inay Iiraan fulisay 8 illa 22 bishan July, howlgallo khasaaro gaarsiiyay Mareykanka , oo uu sheegay inay dhaliyeen Mareykanka inuu ku soo laabto waddada diblomaasiyadda.

Wuxuu sheegay in weerarrada lagu beegsaday nidaamyada difaaca cirka ee Patriot iyo raadaarrada, xarumaha taliska iyo xakamaynta, nidaamyada isgaarsiinta dayax-gacmeedyada, xarumaha saadka, kaydadka shidaalka iyo goobaha gantaallada.

Waxaa kaloo uu tilmaamay inay sidoo kale gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qarxiyeen meelaha lagu xareeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo diyaaradaha dagaalka oo ay ku jiraan diyaaradaha F-15, P-8, C-17, diyaaradaha MQ-9, diyaaradaha qumaatiga u kaca (helicopters), iyo diyaaradaha shidaalka hawada ku siiya diyaaradaha dagaalka.