Trump ayaa lagu warramayaa inuu joojiyay weerarro xooggan oo Mareykanku qorsheynayay in lagu qaado Iiraan, iyadoo qorshahan uu xataa dhaliyay inay Israa’iil heegan gasho , sabab la xiriirtay cabsi laga qabay inay Iiraan weerarradaa uga jawaabto gantaallo ay ku garacdo gudaha Israa’iil.
Trump ayaa hadda iskudayaya in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo Iiraan ku soo celin kara miiska wadahadalka, maaddama duqeymihii uu dib u billaabay Mareykanku aysan keenin wax isbeddel ah, sida ay sheegtay warbaahibta rasmiga ah Israa’iil ee KAN News.
Trump ayaa sidoo kale ku hanjabay in uu dib u bilaabi doono dagaalka hadii aysan Iran laga helin waxa laga rabo waxuuna yiri; “Haddii aynaan ka helin Iiraan 100% waxa aan dooneyno, waxaan si buuxda u tixgelin doonaa inaan dib u billowno dagaal ballaaran.”
