Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay, tobannaan kalena way ku dhaawacmeen markii laba bas ay isku dhaceen waddo weyn oo isku xirta bariga Suuriya iyo Caasimadda Dalkaasi ee Dimishiq.
Shilkan ayaa imanaya iyadoo ay jiraan walaac isa soo taraya oo ku saabsan badqabka waddooyinka iyo burburka kaabeyaasha gaadiidka, kuwaas oo si weyn u saameeyay dagaalladii sannadaha badan ka socday Suuriya.
Shilkan ayaa noqday mid aad u naxdin badan oo ay dadka reer Suuriya aad ula argagexeen, waxaana uu noqnaya mid ka mid ah shilalkii ugu halista badnaa ee dalkaasi ka dhaca..
Alla ha u naxariisto…. Subxaanallaah


