Dekedda Muqdisho ayaa gaartay guul weyn oo dhanka ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah kadib markii lagu daray tobanka dekedood ee ugu waxqabadka wanaagsan qaaradda Afrika, sida lagu shaaciyey warbixin cusub oo ay si wadajir ah u soo saareen World Bank iyo S&P Global Market Intelligence.
Warbixinta oo loo yaqaan Container Port Performance Index (CPPI) ayaa qiimeyn ku sameysa dekedaha caalamka iyadoo lagu saleynayo xawaaraha adeegyada, hufnaanta howlaha dejinta iyo rarista konteenarada, waqtiga ay maraakiibtu ku qaataan dekedda gudaheeda iyo guud ahaan tayada maamulka dekedaha.
Natiijada warbixintan ayaa muujisay in Dekedda Muqdisho ay gashay kaalinta lixaad ee qaaradda Afrika, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah dekedaha ugu horumarsan uguna waxqabadka wanaagsan Afrika xilli ay Soomaaliya muddo dheer ku jirtay caqabado amni iyo kuwo dhaqaale.
Kaalintan sare ayaa loo arkaa guul weyn oo muujinaysa horumarka ka socda kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dekedda ugu weyn dalka oo ah halbowlaha ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah.
Sanadihii la soo dhaafay waxaa dekedda Muqdisho laga hirgeliyey dib-u-habeyn ballaaran, casriyeyn lagu sameeyey qalabka shaqada, kor u qaadista adeegyada dekedda iyo hagaajinta nidaamyada maamulka. Isbeddelladan ayaa sare u qaaday awoodda dekeddu u leedahay inay si degdeg ah ugu adeegto maraakiibta ganacsiga.
Khubarada dhaqaalaha ayaa sheegaya in horumarka dekeddu uu kordhin karo kalsoonida maalgashadayaasha caalamiga ah, isla markaana uu xoojin karo doorka Soomaaliya ee ganacsiga gobolka Geeska Afrika.
Warbixinta CPPI ayaa muujisay in dekedaha Waqooyiga Afrika ay wali hoggaaminayaan liiska, iyadoo Dekedda Tanger Med Port ee dalka Morocco ay gashay kaalinta koowaad.
Liiska tobanka dekedood ee ugu waxqabadka wanaagsan Afrika ayaa kala ah:
1-Tanger Med Port – Morocco
2-Port Said Port – Masar
3-Port of Djibouti – Jabuuti
4-Damietta Port – Masar
5-Ain Sokhna Port – Masar
6-Port of Mogadishu – Soomaaliya
7-Port of Dakar – Senegal
8-El Dekheila Port – Masar
9-Port of San Pedro – Ivory Coast
10-Port of Malabo – Equatorial Guinea
Dhaqaaleyahannadu waxay aaminsan yihiin in horumarka Dekedda Muqdisho uu si toos ah uga qayb qaadan karo kordhinta dakhliga dowladda, fududeynta ganacsiga gudaha iyo dibadda, iyo soo jiidashada maraakiib badan oo isticmaala dekedda.
Sidoo kale, guushan ayaa sare u qaadaysa sumcadda Soomaaliya ee dhinaca ganacsiga iyo gaadiidka badda, iyadoo Dekedda Muqdisho ay noqotay dekedda keliya ee Soomaaliya ku metelaysa liiska ugu sarreeya dekedaha Afrika.
Warbixintan cusub ayaa caddeyn u noqotay in inkastoo ay jiraan caqabado badan, haddana Soomaaliya ay sameynayso horumar muuqda oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah, gaar ahaan adeegyada dekedaha oo laf-dhabar u ah koboca ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.
Kormeerayaasha arrimaha dekedaha iyo dhaqaalaha ayaa sidoo kale horumarkan ku xiriiriyay isbeddellada maamulka ee ka dhacay Dekedda Muqdisho tan iyo markii xilka Maareeyaha Guud loo magacaabay Maxamed Cali Nuur. (Ameriko) Danjire Ameriko ayaa tan iyo magacaabistiisii hormuud ka ahaa dadaallo lagu casriyeynayo maamulka dekedda, kor loogu qaadayo hufnaanta adeegyada, xoojinta xiriirka dekedda la leedahay shirkadaha iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo soo jiidashada maalgashi cusub oo lagu horumarinayo kaabayaasha dekedda. Waxa uu sidoo kale ka qeyb galay shirar caalami ah oo looga hadlayay horumarinta dekedaha iyo saadka, isagoo kulamo la yeeshay shirkado iyo hay’ado waaweyn oo ka shaqeeya maamulka dekedaha iyo gaadiidka badda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) u magacawday Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho sanadkii 2025, ayaa dadaal u galay dib-u-habeyn iyo horumarin lagu sameeyo mid ka mid ah ilaha dhaqaalaha ugu muhiimsan dalka. Tan iyo xilligaas, maamulka dekedda ayaa xoogga saaray kor u qaadista waxqabadka, hufnaanta howlaha dekedda iyo ballaarinta iskaashiga caalamiga ah.
Guusha ay Dekedda Muqdisho ku gashay kaalinta lixaad ee dekedaha ugu waxqabadka wanaagsan Afrika ayaa loo arkaa mid ka dhalatay dadaallada wadajirka ah ee dowladda, shaqaalaha dekedda iyo maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Danjire Ameriko, iyadoo dekeddu sii xoojinayso doorkeeda ah halbowlaha ganacsiga Soomaaliya iyo marin muhiim u ah dhaqaalaha Geeska Afrika
