Hogaamiyaha Burkina Faso Oo Qaabiley Safiirka Cusub ee ISRL kuna Dhawaqay Dagaal ka Dhan ah Muslinka Xagjirka ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hogaamiyaha milatariga Burkina Faso, Captain Ibrahim Traore oo dhawaan qaabiley safiirka cusub ee ISRL u magacowday dalkaas ayaa maalmo kahor ku dhawaaqay inuu bilowday dagaalka ka dhanka ah wax uu ku tilmaamay “Islaam-nimada xagjirka ah.” Hadalkani wuxuu sii adkeeyay khilaafkii u dhexeeya Dowlada uu milatarigu hogaaminayo iyo culimada bulshada muslimiinta ee dalkaasi.

Culimo muslimiina oo saameyn leh ayaa markii hore taageeri jirey hogaamiyaha milatariga Burkina Faso, bulshada muslimiinta ee dalkaasina waxay Captain Traore u ahaayeen il uu ka helo taageero wayn oo muhiim ah, balse hada Dowlada Traore iyo bulshada muslimiinta gaar ahaan culimada waxa ka dhex aloosan khilaaf adag, Dowladu waxay xabsiga dhigtey imaamyo caan ah, waxayna meel marisey sharci cusub oo dhaliyay muran weyn oo la xidhiidha arrimaha diinta.

Captain Ibrahim Traore oo la hadlayay culimo uu ku eedeeyay iney faafinayaan fikrado xagjirnimo ahna wuxuu yidhi. “Hadii kani yahay islaamkiina, waan la dagaalami doonaa, xagjiriintu waa iney is badalaan, hadii aysan isbadalin dagaalku wuu bilowday.”