Israa’iil Oo Dhibaato ka Wajahaysa Diyaaradaha Hawada Shidaalka ku siiya Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Israa’iil ayaa dhibaato ka wajahaysa diyaaradaha hawada shidaalka ku siiya diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka oo buuxiyay garoommadeeda , ka dib markii Mareykanku uu diyaaradahan ka saaray dalalka Khaliijka una wareejiyay Israa’iil, taasoo Israa’iil dusha u saartay xaalad dhaqaale oo malaayiin ay ku luminayso , markii la joojiyay in ka badan 50,000 oo duulimaad.

Hadda warbaahinta rasmi ah ee afka Israa’iil ku hadasha ee Kan News ayaa u muuqata inay faafinayo wax u muuqda inay si dad badan ugu sheegayso Iiraan inay soo weerarto garoommada ay diyaaradaha Mareykanka buuxiyeen, iyadoo warbixin ay maanta warbaahintan baahisay lagu sheegay labadii toddobaad ee la soo dhaafay inuu Mareykanka ku soo daabulay garoommada diyaaradaha ee Ben Gurion, Ramon, iyo saldhigga Cirka ee Ovda in ka badan 90 diyaaradood oo ah kuwa shidaalka hawada ku siiya diyaaradaha militariga.

In la sheegay tirada diyaaradahan iyo goobta ay yeelaan oo ah waxyaabaha militari ahaan la faafin ayaa loo qaatay inay Israa’iil raadinayso daruuf dhalinaysa diyaaradahan in laga saaro garoommadeeda, taasoo ku dhici karta inay timaado xaalad amni oo badqabka diyaaradahan khatar gelin karta.