Iiraan Oo si Adag Uga Hadashay Khasaraha Weerar Ukraine Ugaysatay Markabkeeda Ganacsi

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa maanta si adag uga hadlay khasaaraha ka dhashay markab ganacsi oo ay weerareen ciidamada Ukraine waxuuna yiri:

“Madaxwayne Zelenskyy wuxuu weeraray markab ganacsi oo laga leeyahay Iiraan, taas oo sababtay dhimashada hal badmaax.Tani waa xadgudub cad oo lagu sameeyay Axdiga Qaramada Midoobay, waxayna Ukraine ku fuliyay amarka Israa’iil si Yurub loogu jiido dagaalka ay waddo.”

Wuxuu intaa ku daray; “Wadahadallo aan la yeeshay Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub, Kaja Kallas, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, waxaan caddeeyay in tallaabada uu qaaday hoggaamiyaha Kyiv aysan ahaan doonin mid jawaab la’aan ku dhammaata.”