Iran Oo ku Dhawaaqday Inay Joojisay Weeraradii ay ku Haysay Ciidanka Maraykanka Ee Bariga Dhexe

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa ku dhawaaqday inay joojisay weerarradii ay ku beegsanaysay saldhigyada iyo hantida Mareykanka ee Bariga Dhexe, sabab la xiriirta inuu Mareykanku joojiyay weerarradii ka dhanka ahaa Iiraan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dawladda Iiraan oo la hadlay Reuters, kaasoo sidoo kale xaqiijiyay Iiraan inay mar kasta shaki ka qabto Mareykanka oo ay ku jirayso heegan buuxa.

Wuxuu intaa ku daray; “Shakigu wuxuu ka badan yahay rajada laga qabo in weerarradu joogsadeen. Aragtida ugu badan ayaa ah in hakintan ay tahay xeelad ku meel gaar ah, balse aysan ahayn go’aan dhab ah oo lagu doonayo in colaadda la soo afjaro.”

Aqalka Cad: Wali ikhtiyaaro badan oo Iran la xiriira ayaa miiska noo saaran

Ka dib markii warbaahinta Mareykanka ay baahisay in Donald Trump uu ka gaabsaday inuu sii xoojiyo hawlgallada milateri ee ka dhanka ah Iran xilligan, Aqalka Cad ayaa hoosta ka xariiqay in “dhammaan fursada” la xiriira Iran ay weli miiska saaran yihiin.

“Madaxweynuhu mar walba wuxuu sheegaa inuu doorbidayo xal diblomaasiyadeed, laakiin haddii Iran ay sii waddo falalka argagixisanimo ee ka dhacaya marinka Hormuz ama kuwa ka dhanka ah xulafadeenna, [Donald Trump] weli dhammaan dookhyadiisa way u furan yihiin,” ayuu yiri agaasimaha isgaarsiinta Aqalka Cad, Steven Chung, oo la hadlayay Fox News.

Mr. Chung ayaa intaas ku daray: “Ka dib cunaqabatayn guulaysatay oo curyaamisay dhaqaalaha Iran iyo 13 maalmood oo xiriir ah oo lagu qaadayay weerarro ka dhan ah bartilmaameedyada milateri [ee Iran] iyadoo laga jawaabayo falalka cadawtinimo ee soo noqnoqday, waxaa Iran u haboon inay heshiis gasho, haddii kale way og yihiin waxa dhici doona.”

Wargeysyada New York Times, Axios, CNN, iyo wakaaladda Associated Press ayaa soo weriyay in Donald Trump uu go’aansaday inuusan sii xoojin duqeymaha milateri ee Mareykanka uu ku hayo Iran, ugu yaraan xilligan.

Sida ay sheegeen warbaahintan, go’aankan ayaa la qaatay maalintii Jimcaha ka dib markii saraakiishu ay walaac ka muujiyeen hoos u dhaca ku yimid kaydka gantaallada difaaca ee Patriot iyo suurtagalnimada in laga fogaado xulafada Carabta ee Mareykanka ku leeyahay Gacanka Persian-ka.