Imaaraadka Oo War kaso Saaray Duqayn Uu Sucuudigu ku Qaaday Maraakiib ay u Dirtay Yemen

by Heemaal News

Imaaraadka Carabta ayaa jaaab ka bixiyay bayaanka Sacuudigu kasoo saaray Duqeymo dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen Isbahaysiga Sucuudiga ayaa lagu beegsaday maraakiib ka yimid Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay inay hub si dhuumaaleysi ah u geynayeen Mukalla oo ay maamulaan kooxda STC ee Yemen ee Imaaraadku taageero.

UAE si cad ayay u diidday isku day kasta oo magaceeda loogu soo darayo hawlgallo milatari oo khatar ku ah amniga Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya ama lagu bartilmaameedsanayo xuduudaheeda.

UAE waxay mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay taageeridda amniga iyo xasilloonida Boqortooyada walaalaha ah ee Sacuudi Carabiya, ixtiraam buuxana ay u hayso madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaran.

UAE waxay carrabka ku adkaysay in mowqifkeedu tan iyo bilowgii dhacdooyinka gobollada Xadramawt iyo Al-Mahra uu ahaa in la dejiyo xaaladda, iyadoo si dhow ula shaqaynaysa walaalaheeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in shixnadda la sheegay aysan wax hub ah wadin, isla markaana gaadiidka la dejiyey uusan u socon cid Yemeni ah, balse loo soo diray in ay isticmaalaan ciidamada UAE ee ka hawlgala Yemen.

Waxay sidoo kale sheegtay in eedeymaha la faafinayo aysan ka tarjumayn xaqiiqda ama ujeeddada dhabta ah ee shixnadda. Wasaaraddu waxay xustay in ay jireen wada-xaajoodyo heer sare ah iyo isku-duwid buuxda oo ku saabsan gaadiidkan oo dhex maray UAE iyo walaalaheeda Sacuudi Carabiya, isla markaana lagu heshiiyey in gaadiidku uusan ka bixin dekedda.

Si kastaba ha ahaatee, UAE waxay sheegtay inay si lama filaan ku noqtay in la beegsado laba markab oo ku sugnaa dekedda Mukalla ee gobolka Hadramawt, kuwaasoo lagu eedeeyay inay soo dajiyeen gaadiid ciidan iyo hub “aan fasax lahayn” si ay u sii xoojiyaan xiisadda ay waddo kooxda STC oo qorsheyneysa iney ku dhawaqdo in Koonfurta Yemen ay ka go’day Yemen, ayna tahay dal madax banaan, qorshahasoo ay gadaal ka riixeyso dowlada Imaaraadka.

Sacuudiga ayaa doonaya in la ilaaliyo midnimada Yemen oo mar ahaan jirtay labo dal balse midoobay, waxayna haatan taageerayaan kooxda Xuutiyiinta oo mar colaaad adag ay kala dhexeysay.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.