10
Saddex qof oo ayaa hada maydkoodu ku jiraa talaagada maydka ee isbitaalka guud ee Borama,kuwaasi oo uu ku dumay god dahabka laga qodo oo ku yaala deeganka Seemal ee Degmadda Baki Awdal.
Labbada qof ee kale ayaa geeriyoday kadib markii ay ku neef qabatoobeen Godka dahabka ay ka qodanayeen oo ku shideen Dab,dhacdadan kale ayaa ka dhacday Baki.
