Sunday, November 22, 2026

Wasiirka Waxbarashada Kuuriyada Koonfureed Oo Is-casilay Markii Imtixaanaadkii loo Adeegsaday (AI)

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirkii Waxbarashada Kuuriyada Koonfureed, Choi Kyo-jin, ayaa maanta oo Axad ah, 22-ka November 2026, iska casilay xilkiisa, kadib fadeexad la xidhiidha adeegsiga garaadka macmalka ah (AI) ee qishka imtixaannada qaranka.

Fadeexadda ayaa bilaabatay markii ardaygii kaalinta koowaad ka galay imtixaanka xirfadlayaasha xisaabaadka cashuuraha uu qirtay inuu isticmaalay kamarad aad u yar, telefoon casri ah iyo AI, isagoo 160 su’aalood ka saxay 159.

Dhacdadan ayaa sababtay in dowladda ay si degdeg ah u adkayso ilaalinta imtixaanka gelitaanka jaamacadaha, balse isbeddelladii daqiiqadihii u dambeeyey lagu sameeyey xeerarka ayaa dhaliyey jahawareer iyo dhaleecayn.

Wasiirka ayaa sheegay inuu qaadayo masuuliyadda diyaargarowga oo liitay, waxaana iscasilaaddiisa aqbalay Madaxweyne Lee Jae Myung.