Ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil Oo Eedeeyay Nataniyahu

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil, Naftali Bennett oo hadda loo arko qofka beddelaya Netanyahu, doorashada Israa’iil ka dhacaysa bisha Oktoobar ayaa yiri:

“Netanyahu wuxuu ku tilmaamaa Qatar dal adag oo aysan xilligan ka hor imaan karin Israa’iil…. Laakiin aniga sidaas uma arko. Qatar waa dal si cad loo fahmi karo; waa cadow.”

Wuxuu intaa ku daray; “Waa inaan si buuxda uga go’naa Qatar, isla markaana ula dhaqanaa sidii cadow dhab ah oo ujeeddadiisu tahay inuu na burburiyo.”

Bennett, wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay Imaaraadka Carabta, taa beddelkeeda wuxuu leeyahay siyaasado ka soo horjeeda Sacuudiga, Qatar , Pakistan iyo Turkiga.