Safaaradaha USA iyo Uk ayaa saacadihii ugu danbeeyay xiriir la sameeyay dhammaan saamilayda siyaasadeed ee dalka. Waxay la xiriireen Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golayaasha Mucaaridka.
Labada Safaaradood ayaa gaarisiiyay dhinacyada isku daygii ugu danbeeyay ee ay isugu imaan lahayeen si ay u yeeshaan wadaxaajood looga arrinsanayo xaaladaha doorasho, amni iyo siyaasadeed ee dalka.
Sida xogo kala duwan aan helnay xaqiijinayaan Safaaradaha ayaa riixaya hindise bilowga bisha Diiseembar, la isugu keenayo dhinacyadan, waxaana soo dhaweeyay qaybo kamid ah aqalada mucaaridka iyo dawladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.
Ilaa hadda waxaa qorshahooda ku aaadan hindisahan cusub la sugayaa maamulada Puntland iyo Jubaland, si loogu go’aan qaato. Abaabulka shir la isugu keeno Soomaalida ayaa si wayn uga dhex socda ergooyinka dublumaasiyadeed ee Beesha Caalamka ka socda ee ka hawlgala Soomaaliya.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda ayaa la soo xiriirta Madaxda PL iyo JL, waxaana ay soo gaarsiiyeen inay diyaar u yihiin in wafdi ka socdaa uu booqasho ku yimaado Garoowe iyo Kismaayo.
Sida laga soo xigtay Madaxtooyada Puntland, labada maamul ayaa doonayaa inay wafuud ka socda u diraan Kampala, ayna ka codsadaan Uganda in dhexdhexaadinta Musavani ogol yihiin, oo dalkiisa ku martigeliyo.
