Ruushka Oo si Adag Ugu Hadlay Weerarkii Ukraine ku Beegsatay Markabkii Iiraan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ruushka ayaa sheegay in weerarkii markabka Iiraan ay ku qaadeen Ukraine isagoo maraya Badda Caspian ay “ loo akri karo weerar lagu qaaday Iiran”

Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa ka digay in weerarku muujinayo sida ay muhiim u tahay in la ciribtiro waxa uu ku tilmaamay “halista ka imanaysa Kyiv.”

Iiraan ayaa sheegtay in hal badmaax oo Iiraani ah lagu dilay, mid kalena lagu dhaawacay weerarka, waxayna ka digtay in weerarkaasi uusan noqon doonin jawaab la’aan.

Ukraine ayaa ku dhawaaqday weerarka Sabtidii, iyadoo sheegtay inay bartilmaameedsatay laba markab oo Ruush ah oo ku lug lahaa gudbinta xamuul milatari oo la xiriira Iiraan gudaha Badda Caspian.

Dmitry Peskov ayaa maanta ku eedeeyay Ukraine inay ballaarinayso baaxadda juqraafiyeed ee waxa uu ugu yeeray “weerarro argagixiso.”

Waxa kale oo uu ku eedeeyay Ukraine inay qarxisay dhuumaha gaaska ee Nord Stream ee Jarmalka isla markaana ay waxyeello u geysatay danaha Kazakhstan iyadoo bartilmaameedsatay kaabayaasha dhuumaha shidaalka ee Caspian Consortium.

Ukraine ayaa beenisay eedeymahaas.