Xiriirka kubada cagta Yurub Ee UEFA Oo si Adag Uga Hortimid Qorshe ay FIFA soo Bandhigtay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hay’adda maamusha kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si adag uga hortimid qorshe ay FIFA ka fiirsanayso, kaas oo lagu dhisayo shirkad cusub oo saamiyo ay ku yeelan doonaan maal-gashadeyaal gaar loo leeyahay, si ay u maamusho Koobka Adduunka iyo tartamada kale ee waaweyn.

UEFA ayaa sheegtay in soo jeedintani ay ka gudubtay xuduuddii la aqbali karay, iyadoo ka digtay in, sida ay hadalka u dhigtay, “ruuxda iyo maamulka kubadda cagtu aysan ahayn hanti la kala iibsado.”

FIFA, dhankeeda, waxay sheegtay in ujeeddada qorshahan ay tahay kor u qaadista iyo horumarinta kubadda cagta caalamka.

Warkan waxaa markii ugu horreysay baahiyay wargeysyada Financial Times iyo The Times ee London. Wargeyska The Times ayaa sheegay in qorshahan uu suuragal ka dhigi karo in madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, uu helo dakhli gaari kara tobannaan milyan oo doollar.