Wednesday, July 29, 2026

Dowladda Somaliya Oo Diiday Talaabo ay Qaaday Israel.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay si adag ugu cambaareyneyso gelitaanka iyo falalka ka dhacay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa, kuwaas oo ay sheegtay inuu hoggaaminayay sarkaal Israa’iili ah oo ay wehliyeen kooxo xagjir ah iyo ciidamada ammaanka Israa’iil.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in falkani uu yahay xadgudub ka dhan ah karaamada iyo xurmada Masjidka Al-Aqsa, isla markaana uu dhaawacayo dareenka malaayiinta Muslimiinta ah ee caalamka.

Soomaaliya waxay sidoo kale dib u xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada shacabka Falastiin, iyadoo carrabka ku adkeysay ilaalinta xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee goobaha barakeysan ee ku yaalla Qudus.

Dowladdu waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo falalka ay ku tilmaamtay kuwa kicinaya xiisadda, isla markaana la xaqiijiyo isla xisaabtan ku aaddan cid kasta oo ku lug leh.

Bayaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is xakameyn, isla markaana la xoojiyo dadaallada lagu gaari karo nabad waarta oo ku dhisan caddaalad, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda ay u leeyihiin dowlad madax bannaan, iyadoo mar kale caddeysay taageeradeeda xalka labada dowladood oo ay ku tilmaantay jidka ugu habboon ee lagu gaari karo nabad iyo xasillooni waarta Bariga Dhexe.