Dawlada Masar Oo War kasoo Saaray Dab Qabsaday Maraakiib Nooca Shidaalka Lagu Keydiyo ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Batroolka dalka Masar ayaa sheegtay in la xakameeyay dab galinkii dambe ee maanta qabsaday labo markab oo ah nooca lagu kaydiyo shidaalka dabiiciga ah oo la sheegay inay lahayd shirkad Mareykan ah xilli ay ku sugnaayeen dekedda Damietta oo ku taal badda Mediterranean-ka ee dalka Masar.

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu xaqiijisay inaysan jirin wax khasaare ah oo maraakiibta ama dekedda gaaray, balse ma aysan xaqiijin waxa dhaliyay dabka qabsaday maraakiibtan, sida ay werisay Al Jazeera.

Wakaaladda wararka Reuters, oo soo xiganaysa shirkadda amniga badda Ambrey, ayaa dhankeeda horey u werisay in markab kaydka gaaska ah oo sabeeya, oo ay leedahay shirkad Maraykan ah, uu la kulmay weerar loo adeegsaday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, inkasto aysan jirin cid xaqiijisay dabka qabsaday maraakiibtan inuu ka dhashay weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn, kaasoo haddii la xaqiijiyo noqonaya weerarkii u horreeyay ee ay la kulmaan dekedaha Mediterranean-ka ee Masar.