Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, dardargelinta howlaha ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in iskaashiga labada dal uu gacan ka geysanayo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida dalka.
Dhankiisa, General Dagvin R.M. Anderson ayaa caddeeyay in Mareykanku uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, horumarinta awoodda ciidamada iyo ballaarinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo gulufyo ciidan oo ka dhan ah kooxaha hubeysan, iyadoo Dowladda Federaalka ay weli kaashaneyso saaxiibada caalamiga ah ee dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo taageerada hawlgallada ka dhanka ah argagixisada.





