Madaxweyne Cirro Oo Booqday Bukaanada Kalya Ee ka Cabanayay Isbitaalka Guud Hargeysa,.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka aroortii hore booqasho ku tagay qaybta sifaynta keliyaha ee Isbitaalka Guud ee Hargeysa, kaddib cabashooyinkii ay maalmihii u dambeeyey soo bandhigayeen bukaannada adeeggaasi ku tiirsan.

Madaxweynaha ayaa intii uu booqashada ku jiray qof qof ula kulmay bukaannada, isaga oo si toos ah uga dhegaystay cabashooyinkooda, baahiyaha ay qabaan iyo caqabadaha ka jira adeegga sifaynta kelyaha.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee booqashadiisu ay ahayd inuu si dhab ah uga war helo xaaladda bukaannada iyo cabashooyinka ay bulshada ka muujiyeen adeegga sifaynta kelyaha.

“Waxaan halkan u imid inaan xog-ogaal u noqdo cabashada shacabka, waxaanan si dhow u dhegaystay baahiyaha iyo cabashooyinka bukaannada,” ayuu yidhi Madaxweynaha.

Waxa uu intaas ku daray in xukuumaddiisu ay si degdeg ah wax uga qaban doonto baahiyaha ka jira adeegga sifaynta kelyaha, si loo xaqiijiyo in bukaannadu helaan adeeg caafimaad oo hufan, joogto ah, isla markaana tayo leh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in caafimaadka bulshada aanu ahayn arrin la siyaasadayn karo, balse uu yahay waajib iyo masuuliyad ay xukuumaddiisu si buuxda u qaaday, isaga oo sheegay in daryeelka caafimaadku yahay xuquuq uu leeyahay muwaadin kasta.

Intii uu ku sugnaa isbitaalka, Madaxweynaha waxa uu warbixin ka dhegaystay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Guud ee Hargeysa, kaas oo ka xog warramay xaaladda adeegga sifaynta kelyaha, baahiyaha jira iyo caqabadaha horyaalla.

Madaxweyne Cirro ayaa ugu dambayn ballanqaaday in xukuumaddu ay dardargelin doonto wax ka qabashada baahiyaha ugu waaweyn ee adeegga sifaynta kelyaha, gaar ahaan dhinacyada mishiinnada sifaynta, agabka caafimaadka iyo qalabka kale ee muhiimka u ah sii socoshada adeeggan naf-badbaadinta u ah bukaannada si joogto ah ugu baahan sifaynta kelyaha.