“Ammaanka iyo maamulka Badda Cas waxa Masuul ka ah oo keliya dalalka xeebaha ku leh, Cid kale door kuma laha” Masar Iyo Eritria
Masar Iyo Eritrea, Ayaa sheegay in amniga iyo maamulka Badda Cas ay si gaar ah mas’uul uga yihiin oo keliya dalalka xeebaha ku leh baddaas.”
Waxay sidoo kale muujiyeen diidmo buuxda oo ku wajahan isku day kasta oo ay dhinacyo aan xeeb ku lahayn Badda Cas ku doonayaan inay ku soo rogaan nidaamyo ama doorar amni oo la xiriira baddaas, ama ay ku sheegtaan xuquuq marin-badeed oo ka hor imanaysa qawaaniinta sharciga caalamiga ah.
Wasiirada arrimaha dibedda labada Dalka ee Masar Iyo Eritria oo Kulan yeeshay ayaa sidan sheegay, iyaga oo Itoobiya u jeeda
