Maraykanka Oo Mar kale Cadeeyay Inuusan Aqoonsanayn Somaliland Saldhig Ciidan-na ka Dhisayn Berbera.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Waraysi gaar ah oo uu ka qaaday Cumar Faaruuq Cusman, Xoghayaha Guud ee NUSOJ, ayaa Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, waxa uu kaga jawaabay inay jirto suuragalnimo Mareykanka kaga dhisanayo saldhig milatari Somaliland.

Taliyaha oo aan ka leexleexan ayaa si toos ah uga jawaabay “Marnaba ma jiro qorshe aan uga dhisanayno saldhig ciidan Somaliland.”

Markale Cumar Faaruuq, ayaa waydiiyay Taliyaha AfRICOM, inay ka shaqaynayaan in la aqoonsado Somaliland, waxaana uu ku jaawabay inaysan qorshahaas u socon.

Taliyaha oo ka jawaabaya waydiintaas ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanku ay wali ahmiyadda koowaad siineyso madaxbannaanida iyo Wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyay in xiriirka wadashaqayneed ee labada dal uusan wax iska baddalin