KAMPALA, Uganda – Magaalada Kampala ee caasimadda Uganda waxaa Khamiistii shalay ka dhacay shir ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiinta dalalka ciidamada ku leh Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo ay sidoo kale ka qeybgaleen wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray mustaqbalka howlgalka AUSSOM, helitaanka maalgelin waarta, xoojinta awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, iyo sidii looga hortagi lahaa firaaq amni oo ka dhalan karta marka uu dhammaado taageerada Mareykanka ee howlgalka dhammaadka sannadka 2026.
Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Masar, Kenya, Uganda iyo Soomaaliya. Doodaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda amniga Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo qorshaha wareejinta mas’uuliyadda amniga oo si tartiib tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warmurtiyeedka shirka, mas’uuliyiintu waxay isku raaceen in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay laga codsado in muddo 18 illaa 24 bilood ah loo kordhiyo taageerada AUSSOM, si loo xaqiijiyo sii socoshada howlgalka loogana hortago hakad ku yimaada dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.
Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan maalgelin oo waara oo lagu taageero howlgalka, maadaama maalgelinta caalamiga ah ay wajahday caqabado, isla markaana Mareykanku uu qorsheynayo inuu joojiyo taageerada uu siiyo howlgalka dhammaadka sanadkan.
Mas’uuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen in la dardargeliyo dhismaha hay’adaha amniga Soomaaliya, tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kor u qaadidda awoodda sirdoonka, ciidamada cirka iyo saadka, si Soomaaliya ay ugu diyaar garowdo inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa kulanka uga qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, kaas oo sidoo kale u saxiixay warmurtiyeedka dowladda Soomaaliya. Wuxuu shirka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli ka go’an tahay hoggaaminta qorshaha xasilinta dalka iyo la wareegidda amniga iyadoo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah.
Shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ayaa gogol-xaar u ahaa shir-madaxeedka Maanta ee madaxda dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu wado in lagu go’aamiyo jihada siyaasadeed iyo amni ee howlgalka, qaabka maalgelintiisa mustaqbalka, iyo taageerada loo fidinayo Soomaaliya inta lagu jiro marxaladda kala-guurka ee amniga




