Diyaaradda dagaalka ee Boeing F-47 ayaa la filayaa inay samayso duulimaadkeedii ugu horreeyay sanadka 2028, sida uu sheegay Janaraal Dale White oo ka tirsan Ciidanka Cirka Maraykanka.
Sida ay qortay FlightGlobal, White ayaa sheegay in mashruuca F-47 uu marayo heer horumarineed oo aad u sarreeya, isla markaana uu geli doono marxaladda wax-soo-saarka iyo tijaabooyinka, isagoo xusay in diyaaradda la filayo inay hawada gasho inta lagu jiro muddada maamulka hadda talada haya.
Boeing ayaa horumarinaysa diyaaraddaan dagaalka ee F-47, taas oo loo qorsheeyay inay noqoto diyaaradda ugu casrisan ee Ciidanka Cirka Mareykanka iyo jiilka lixaad ee dagaalka.
Diyaaraddan ayaa waxay udub-dhexaad u tahay barnaamijka sirta badan ee Next Generation Air Dominance (NGAD), kaas oo looga golleeyahay in Mareykanku sii ilaashado awooddiisa iyo hoggaankiisa dagaalka hawada sannadaha soo socda.
