Iiraan Oo soo Saartay War ka Caraysiinaya Trump Kadib Joojintii Weerarada Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa mar kale ka caraysiinaysa Trump, ka dib markii wakaaladda wararka Fars ee xiriirka la leh ciidanka Iiraan ay maanta baahisay inaan la furi doonin marin-biyoodka Hormuz oo markab aysan Iiraan u oggolaan uusan ka gudbi karin.

Trump ayaa xalay sheegay inuu u joojiyay weerar lagu qaadi lahaa Iiraan, si uu fursad u siiyo heshiis la gaari karo iyo furitaanka Hormuz.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dib u dhigista weerar cusub ee ka dhan ah Iran, ay timid ka dib “codsi” ka yimid Tehraan iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe si loo dhamaystiro heshiis horseedi doona in “si degdeg ah oo dhamaystiran” dib loogu furo marinka Hormuz iyo “dhamaynta khatarta Nukliyeerka Iran.”

Trump ayaa intaa ku daray in Maraykanku uu diyaar u yahay in uu Iran kala hor tago awood aan la arag tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka.

Laakin wakaalada wararka ee Iran Mehr ayaa beenisay in jamhuuriyada islaamiga ay ka codsatay Washington in ay ka fogaato weerarka.

Wakaaladdu waxay soo xigatay saraakiil ciidan oo sheegay in hadalka Trump “uusan ahayn been kale” isagoo carabka ku adkeeyay in ciidamada qalabka sida ee Iran ay ” heegan sare ku jiraan ayna diyaar u yihiin xaalad kasta”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araqchi uu wadahadallo khadka taleefanka ah la yeeshay dhiggiisa Sacuudiga Faisal bin Farhan, dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan, iyo Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir.

Waxay sharraxday in intii lagu guda jiray xiriirradan uu uga digay “halista sii kordhinta xiisadda” gobolka, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Iran ay “si buuxda diyaar ugu tahay inay is-difaacdo” ayna “si u dhiganta uga jawaabto” weerar kasta.