17
Markab xamuul oo ay leedahay shirkad Turki ah, kaas oo siday khudaar iyo miro una socday Ruushka, ayaa la sheegay inuu bartilmaameed u noqday weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine xilli uu marayay meel u dhow Novorossiysk.
Sida wararka lagu helayo, weerarka ayaa sababay dhaawaca dhowr qof oo ka mid ahaa shaqaalihii saarnaa markabka, halka faahfaahin dheeraad ah laga sugayo xaaladda markabka iyo khasaaraha ka dhashay.
