Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baqaei, ayaa sheegay in eedeynta ay Midowga Yurub u jeedinayo dalalka adeegsanaya xaqooda is-difaaca ay tahay “laba-wejiilenimo”.
Bayaan uu ku daabacay barta X, ayuu ku yiri:“Iran oo beegsanaysa xarumaha iyo saldhigyada milatari ee Maraykanka ee ku yaalla dalalka deriska ah waxay ku jirtaa xaqa is-difaaca, maadaama goobahaas laftoodu yihiin kuwii loo adeegsaday hawlgalladii lagu qaaday Iran.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in Midowga Yurub ay waajib ku tahay inuu ilaaliyo sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada midoobey ee uu muddo dheer taageerayay.
Ismail Baqaei ayaa yiri:“Midowga Yurub waa inuu joojiyaa cambaareynta dalalka ka jawaabaya weerarrada sharci-darrada ah oo adeegsanaya xaqooda is-difaaca, halkii uu ka raalli gelin lahaa ama u jilicsanaan lahaa kuwa gardarrada wada.”
Qoraalkiisa ayuu sidoo kale ku sheegay in:“Iran oo bartilmaameedsata saldhigyada iyo hantida loo adeegsado weerarrada sharci-darrada ah ee lagu qaado Iran ay waafaqsan tahay sharciga caalamiga ah.”
Ugu dambeyntii, Esmail Baqaei ayaa yiri:“Dalalku waxay leeyihiin waajib sharci oo cad oo ah inaysan u oggolaan dhulkooda ama hantidooda in loo adeegsado weerar lagu qaado dal kale.”
