Iiraan ayaa joojisay wadahadalladii ay kula jirtay Mareykanka , iyadoo la sheegay wadahadallada keliya inay dib u billaaban karaan marka ay Israa’iil joojiso weerarrada ay ka gaysanayso Lubnaan,xilli Israa’iil isku diyaarinayso duullaan ballaaraan oo ay ku qaado Lubnaan, sida ay baahisay CNN.
Iran ayaa dhinaca kale sheegtay in ay weerartay saldhig ciidan oo Maraykanku leeyahay kadib duqeymihii uu Maraykanku dhammaadkii toddobaadka ku qaaday bartilmaameedyo ciidan oo Iran ku yaalla.
“Wixii xadgudub ah ee ka yimaada hal dhinac, waa xadgudub ka dhan ah xabbad-joojinta. Maraykanka iyo Israa’iil ayaa mas’uul ka noqon doona cawaaqibka ka dhasha xadgudub kasta,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ku qoray bartiisa X.
Kuwait ayaa dhankeeda maanta oo Isniin ah sheegtay in la soo weeraray, inkastoo ay jirto xabbad-joojin jilicsan iyo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka socday saddex bilood.
Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay in ka badan 3% kaddib weerarradii ugu dambeeyay. Xiisadda ayaa sidoo kale sii xoogeysatay kaddib markii Israa’iil ay amartay ciidamadeeda in ay gudaha u sii galaan Lubnaan si ay ula dagaallamaan ururka Xisbullah ee ay Tehran taageerto, iyadoo colaaddan ay dib u soo cusboonaatay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale sheegay in uu aaminsan yahay in Tehran ay dooneyso in ay heshiis la gaarto. Hase yeeshee, rajadii laga qabay horumar laga sameeyo wadaxaajoodyada ayaa yaraatay kaddib markii mas’uuliyiinta Iran ay dhaliileen mowqifka wadaxaajoodka ee Maraykanka oo ay ku tilmaameen mid “si joogto ah isu beddelaya”, isla markaana ay cambaareeyeen weerarrada Israa’iil ee Lubnaan, halkaas oo sidoo kale ay ka jirto xabbad-joojin.
