Dowladda Iiraan ayaa Mareykanka uga digtay in tallaabo kasta oo cusub oo milatari oo ka dhan ah dalkaasi ay la kulmi doonto jawaab degdeg ah oo adag.
Sida ay baahisay telefishinka dowladda Iiraan ee IRIB, afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Iiraan, Sarreeye Guuto Mohammad Akraminia, ayaa sheegay in Tehran ay si adag uga jawaabi doonto weerar kasta oo cusub oo Mareykanku ku qaado.
Digniintan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Washington iyo Tehran, iyadoo Iiraan ay mar kale adkeysay inay diyaar u tahay difaaca dalkeeda haddii uu dhaco weerar cusub oo milatari.
