Wednesday, July 15, 2026

“Xuutiyiintu kama Amar-qaataan Tahran.”Wakiilka Iiraan u fadhiya Q/Midoobay Oo Dafiray Xuutiyiinta

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wakiilka joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay, Amir-Saeid Iravani, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen (Ansar Allah) ayna u dhaqmin isagoo metelaya Iiraan ama amar ka qaadanaya Tehran.

Warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayuu Iravani u sheegay in eedeymaha sheegaya in Xuutiyiintu ay ku shaqeeyaan awaamiirta Iiraan ay yihiin kuwo aan wax sal ah lahayn.

“Iran waxay si cad u diidaysaa sheegashada ah in Ansar Allah ay u dhaqmayso magaca Tehran. Maamulka Sanca wuxuu metelaa qayb muhiim ah oo ka mid ah shacabka Yemen, wuxuuna go’aamadiisa ku gaadhaa si madax-bannaan, isaga oo eegaya waxa uu u arko inay dan u yihiin shacabka Yemen,” ayuu yidhi Iravani.

Hadalkan ayaa imanaya xilli Maraykanka iyo dalal kale ay marar badan ku eedeeyeen Iiraan inay taageero militari iyo mid siyaasadeed siiso Xuutiyiinta, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay weerarro ku qaaday maraakiibta Badda Cas iyo badhtilmaameedyo la xidhiidha Israel.

Iiraan ayaa mar kale ku adkaysatay in xidhiidhka ay la leedahay Xuutiyiintu uu yahay mid siyaasadeed, isla markaana dhaqdhaqaaqa Ansar Allah uu si madax-bannaan u qorsheeyo una fuliyo go’aamadiisa.