Wednesday, September 2, 2026

Xildh.Sagal Oo ah Gabadh Somali Ee Hogaamisa Golaha Deganka degmada Camden ee London Oo Noqotay Qofka ugu Cadcad

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

UK: Gabadh Soomaaliyeed, Xildhibaan Sagal Cabdiweli oo hoggaamisa Golaha Deegaanka degmada Camden ee London ayaa noqotay qofka ugu cadcad ee u tartamaya Baarlamanka UK, booskii uu banneeyey Raysal wasaarihii dal kaas ee dhawaan is casiley, Keir Starmer, sida ay qortay jariiradda TheTelegraph.

Sagal oo noqotay Soomaaligii ugu horreeyey ee hoggaamiya degmada Camden, waxa ay mustaqbalka dhow noqon kartaa Raysal wasaaraha UK, si la mid ah Raysal wasaaraha hadda oo ka yimi duq degmo.

Haweenka Soomaaliyeed oo gudaha dalkooda aan ka helin fursad hoggaamin ayaa hadda majaraha u qabanaya dalalka caalamka.