Ururka Bisha Cas ee Iran ayaa warqad u diray Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, isagoo cambaareeyay duqeymaha Mareykanka ee koonfurta Iran, kuwaas oo la sheegay inay ku dhaceen goob xaflad aroos ah.
Bisha Cas ayaa warqaddeeda ku sheegtay in afar qof, oo uu ku jiro ilmo, lagu dilay duqeynta cirka, halka 67 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Sida ay sheegtay Bisha Cas, weerarku wuxuu dhacay 9:30-kii habeenimo waqtiga maxalliga ah ee Talaadadii, xilli ay xaflad aroos ka socotay deegaanka Kohistak ee Sirek.
Bayaan ay hay’addu ku baahisay Telegram ayay ku tiri: “Tirada dadka dhintay ayaa kordhi karta, maadaama qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladdoodu aad u liidato.”
Bisha Cas ayaa sheegtay in maadaama xafladdu ahayd kulan ay dad rayid ah isugu yimaadeen, dhacdadani ay walaac ka abuureyso marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, isla markaana ay “u baahan tahay baaritaan madax-bannaan, dhexdhexaad ah, dhammaystiran oo wax-ku-ool ah”.
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu ka warqabo wararka ku saabsan weerarka, balse wuxuu ku adkaystay inuusan waligiis bartilmaameedsan dadka rayidka ah.
