Puntland oo Digniin cad u Dirtay Ciidanka Faderaalka Ee ku sugan Gudaha Maamulkaas.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, Gaashaanle Sare Maxamuud Muuse Bile “Fardafuul”, ayaa si adag uga hadlay xaaladda amniga gobolka, isagoo caddeeyay inaan loo dulqaadan doonin in hub sharci darro ah lagu dhex qaato magaalooyinka gobolka.

Taliyaha ayaa sheegay in Booliisku si buuxda u gudan doono waajibaadkiisa sugidda amniga, isagoo uga digay cid kasta oo isku dayda inay qalalaase ka abuurto deegaannada Mudug.

“Naftiinna ha ku haligin amni-darro iyo falal ka baxsan sharciga. Gobolka iyo degmooyinkiisa waxaa masuul ka ah hay’adaha amniga, mana aqbali doonno in hub lagu dhex qaato magaalada,” ayuu yiri Taliyuhu.

Sidoo kale, wuxuu eedeyn u jeediyay shaqsiyaad uu ku tilmaamay inay ku fashilmeen masuuliyadihii loo igmaday, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan inay xasillooni-darro ka abuuraan gobolka.

“Waxaa jira rag ku guuldarraystay shaqooyinkii loo igmaday oo hadda doonaya inay dad abaabulaan si ay dhibaato uga abuuraan deegaannadeenna. Qofkii doonaya inuu Madaxweyne Xasan Sheekh u shaqeeyo ha aado halka uu ka shaqeynayo, qofkii doonaya inuu ku biiro ciidanka Soomaaliyeedna ha aado, balse magaaladaan annaga ayaa masuuliyaddeeda amni u xilsaaran. Dulqaadkii iyo ixtiraamkii aan muujinaynay waxay gaareen heer lagu soo gelinayo hub gudaha magaalada,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kadib markii dowladda federaalka ay ciidamo cusub ka qoratay qaar ka mid ah deegaannada Puntland, halka maamulka Puntland uu ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono ciidamadaas, isagoo sheegay inaan laga oggolayn inay ka howlgalaan deegaannadiisa.