Dawladda Mexico ayaa si weyn u ilaalinayso ammaanka xulka Iiraan, ee ka qaybgalaya koobka adduunka, kuwaas oo amnigooda ay sugayaan 300 askari oo isugu jira kuwa ilaalada qaranka iyo militariga.
Xulka kubadda cagta Iiraan ee ku sugan dalka Mexico, ayaa waxa ay maanta gaareen magaalada Tijuana oo ay ku sameynayaan isku diyaarintooda tartanka, sida uu telefishinka Ruushka ee RT uu sheegay.
Warbixintu, waxaa kaloo lagu sheegay si rasmi ah xulka Iiraan inay ugu adeegsanayaan xaruntooda ama deegaankooda dalka Mexico, si ka duwan xulalka dalalka kale oo deegaan ka dhigtay Mareykanka.
Haddii ay xataa kulamo ciyaareed xulka Iiraan ku qaadanayaan Mareykanka , isla xilliga ay ciyaarta dhammaato waxay ku laabanayaan Mexico.
