Garsoore ka tirsan maxkamad federaali ah oo Mareykanka ah ayaa amray in la shaaciyo qaybo ka mid ah dukumentiyada la xiriira baaritaankii 12-kii October lagu sameeyay guriga xildhibaan Ilhaan Cumar ee magaalada Washington D.C.
Garsoore James E. Boasberg ayaa Wasaaradda Caddaaladda ku amray inay ugu dambeyn 20-ka November maxkamadda u gudbiso dukumentiyo laga reebay xogaha xasaasiga ah. Dukumentiyada la shaacinayo waxaa ka mid ah diiwaanka amarka baaritaanka, balse laguma darayo warbixinta faahfaahsan ee saldhigga u ahayd amarka.
Baaritaanka guriga Ilhaan Cumar ayaa la sheegay inuu la xiriiray arrimo ku saabsan dukumentiyadeeda socdaalka. Xildhibaanaddu waxay hore u sheegtay in saraakiishu gurigeeda ka qaadeen 17 shay, oo ay ku jiraan taleefanno, buugaag xusuus-qor ah iyo qalab elektaroonig ah.
Wasaaradda Caddaaladda ayaa ka hortimid shaacinta dukumentiyada, iyadoo ku doodday in arrintaasi saameyn ku yeelan karto baaritaan dembiyeed oo weli socda. In ka badan 12 warbaahin oo Mareykan ah ayaa dhankooda dalbaday in xogta loo bandhigo dadweynaha.
Maxkamaddu waxay qorsheysay in dukumentiyada la shaaciyo 23-ka November, haddii aan go’aanka la hakinin. Ilhaan Cumar ayaa beenisay inay wax khalad ah samaysay, waxayna baaritaanka ku tilmaantay mid siyaasadeysan. Ilaa hadda wax dacwad ah laguma soo oogin.
