6
Badda Madow, oo u dhow xeebaha dalka Bulgaria, ayaa weerar lagu qaaday markabka gaaska qaada ee lagu magacaabo “Gas Husky”, kaas oo ka soo ambabaxay dalka Masar kuna sii jeeday dalka Romania, isagoo siday qiyaastii 3,400 oo tan oo gaaska “propane”-ka ah.
Markabkan, oo ku socda calanka dalka Liberia, ayaa waxaa bartilmaameedsaday afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones).
