Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ahna Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka xilligii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa u jawaabay sarkaal Imaaraad ah oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu dantiisa gaar ah ka waayay Imaaraadka ayaa yiri:-
“Runtii, HSM waa siyaasi dano gaar ah ka hormariya danta guud, sida siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed. Imaaraadka Carabta laftiisuna wuxuu gobolkaas nugul uga faa’iidaysanayaa duruufaha jira, isaga oo ugaarsanaya fursadaha ka dhasha xasillooni-darrada.
Ha la jeclaado ama yaan la jeclaan, Soomaaliya dib ayay isu habayn doontaa, waxayna soo noqon doontaa iyadoo ka xoog badan sidii hore”.

