Wednesday, August 5, 2026

Booliska Jarmalka War ka soo Saaray Qaraxyo Lagu Arkay Garoonka Diyaaradaha Leipzig

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Booliska Jarmalka ayaa sheegay inay ka heleen garoonka diyaaradaha ee Leipzig diyaarad aan duuliye lahayn oo sidday qalab qarax ah. waxay Boolisku sheegeeen in qalabkaas laga dhigay mid dheemish ah kadib markii uu arkay qof shaqaale ah habeenimadii kaas oo ku sugnaa aagga hawlaha xamuulka.

Booliska ayaa sidoo kale baaritaan ku wada shay kale oo aan la aqoonsan oo ku dhacay diyaarad isla garoonkaaas. Diyaarada ayey walaxdaasi ku dhacday waxyar ka dib markii ay kacday balse waxaa dib u cagadhigay si nabadgelyo ah.

Labada dhacdo waxay ka dhaceen meel u dhow halka ay la dhigo diyaaradaha xamuulka ee Yukrayn.

Ruushka ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa duullimaadyo diyaarado aan duuliye lahayn oo aan fasax haysan, kuwaas oo bilihii u dambeeyay ka dhacay gudaha Jarmalka.