Saturday, August 8, 2026

Laascaanood: Dib udhac Ku Yimid Shirkii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Maamulka Waqooyi Bari.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Shirkii khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirrada Dowladda Waqooyi-Bari ayaa baaqday, iyadoo xilligan uu Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye safar ugu baxay magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wasiirrada oo caadiyan qabsooma maalinta Khamiista ayaa la filayay in looga hadlo arrimo la xiriira hawlaha xukuumadda iyo xaaladda guud ee maamulka, hase yeeshee kulanka ayaan qabsoomin.

Baaqashada shirka ayaa kusoo beegmaysa xilli Madaxweyne Firdhiye uu Muqdisho u safray, iyadoo safarkiisa lagu wado inuu yeesho kulamo iyo hawlo shaqo oo la xiriira arrimaha siyaasadda iyo maamulka.

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay baaqashada shirka iyo haddii kulan kale loo asteeyay Golaha Wasiirrada