Saturday, August 8, 2026

Caruur ka Mid Noqotay Dad ku Dhintay Duqaymaha Ruushka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ugu yaraan saddex qof, oo uu ku jiro ilmo yar, ayaa ku dhintay duqeymo Ruushku habeenkii xalay ka geystay agagaarka caasimadda Ukraine ee Kyiv, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

Saacadihii hore ee Sabtida, gantaallo ayaa ku dhacay qaybo ka mid ah bariga Kyiv, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen inay maqleen qaraxyo xooggan. Weerarradan ayaa dhacay maalmo yar kadib markii duqeymo kale oo ka dhacay Ukraine ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof.

Madaxa maamulka militariga gobolka Kyiv, Timur Tkachenko, ayaa sheegay in duqeymaha gantaallada ballistic-ga ah ay dileen saddex qof, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen. Wuxuu sheegay in burburka ka dhashay weerarrada uu waxyeello gaarsiiyay dhismayaal dabaqyo ah iyo gaadiid, iyadoo sidoo kale uu dab ka kacay dhisme gaar loo leeyahay.

Dhanka kale, shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa magaalada Kyiv ka waday hawlgallo lagu daminayo dab ka kacay dhisme iyo haan shidaal, sida uu sheegay duqa magaalada Kyiv, Vitali Klitschko.

Hay’adda Gurmadka Degdegga ah ee Ukraine (DSNS) ayaa baahisay sawirro muujinaya garaashyo, goob ganacsi iyo dhisme uu dab qabsaday. Hay’addu waxay sheegtay in tirada khasaaraha iyo dadka ay waxyeelladu gaartay weli la xaqiijinayo.