Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay fulisay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo la sheegay inay ku dhinteen saddex askari.
Waxay sheegeen in weerarradii dhacay Isniintii ay ka dhaceen iskuul ku yaalla Merewa, halkaas oo ay ciidamo Tigray ah ku sugnaayeen.
Guddoomiyaha deegaanka ayaa BBC u sheegay in weerarrada lagu qaaday iskuulka iyo webi ku dhow ay sidoo kale dileen qof rayid ah, halka afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Mas’uuliyiinta Tigray ayaa weerarrada ku tilmaamay “xaalad si weyn u sii cakriraysa”, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo in colaaddii hore dib u soo cusboonaato.
Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin eedeymahan.
Maamulka Tigray iyo dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu ku guuldarreystay hirgelinta heshiiskii nabadeed ee 2022, kaas oo soo afjaray dagaal sokeeye oo muddo socday, isla markaana sababay khasaare ba’an.
