Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa Yury Tokar u magacaabay Danjiraha Ukraine u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad digreeto uu soo saaray, taas oo lagu faafiyay bogga rasmiga ah ee Madaxtooyada Ukraine.
Yury Tokar, oo ah Safiirka Ukraine ee Kenya, ayaa sidoo kale loo aqoonsaday inuu si isku mar ah u qaabilo Soomaaliya, isaga oo matalaya danaha Kyiv ee Muqdisho iyo Nairobi, sida lagu sheegay bayaanka.
Danjiraha cusub ayaa la filayaa inuu warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, kadibna nuqulka warqadahaas loo gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii November 2025 Danjire u dirtay Ukraine, tallaabadaas oo gogol-xaar u noqotay dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Kyiv.
Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka isku dayaya inay xiriir diblomaasiyadeed la yeeshaan labada dhinac ee dagaalka Ukraine iyo Ruushka, kaas oo billowday sanadkii 2022. Muqdisho ayaa xiriirro kala duwan la leh Moscow iyo Kyiv, iyadoo isku dayaysa inay ilaaliso danaha diblomaasiyadeed ee ay la wadaagto labada dal.
