Thursday, August 13, 2026

Warbixin Daaha ka Rogtay Khasaaraha Maraykanka kasoo Gaaray Dagaalka Iran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wargeyska Washington Post ayaa maanta ku warramay in ciidamada Mareykanku ay dagaalka Iiraan ku waayeen ugu yaraan 45 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper, taas oo u dhiganta qiyaastii 25% tiradii ay haysteen ka hor dagaalka.

MQ-9 Reaper waxaa loo adeegsadaa sahan, kormeer iyo weerarro bartilmaameed ah. Mid kasta oo ka mid ah waxay ku kacaysaa qiyaastii $30 milyan ilaa $50 milyan, iyadoo khasaaraha guud ee 45 diyaaradood lagu qiyaasay inuu ka badan yahay $1.3 bilyan

Dhinaca kale Wargeyska Mareykanka ee Wall Street Journal ayaa maanta baahiyay warbixin fadeexad ah oo lagu sheegay Kuuriyada Waqooyi inay sannad walba ka sameyso shirkadaha Mareykanka ku dhawaad hal bilyan oo doolar, iyadoo adeegsanaysa shaqaale ku takhasusay tiknoolajiyadda, kuwaasoo adeegsada aqoonsiyo been abuur ah iyo kombiyuutaro la dhigay gudaha Mareykanka, ka dibna iyagoo ku sugan gudaha Kuuriyada Waqooyi si sax ah u qabta shaqooyinka IT-ga ee ay u baahanyihiin shirkadaha Mareykanka.

Warbixintu waxay sheegtay shaqaalaha Kuuriyada Waqooyi inay adeegsadaan xogta la xaday ee muwaadiniin Mareykan ah , waxayna imtixaanka ku galaan iyagoo adeegsanaya nidaamyo garaad-gacmeedka AI-ga, sidaana waxay ku qabtaan shaqooyin maalin le ah oo sannadkii lagu qiyaasay inay ka helaan 800 milyan oo doolar , lacagtaa 90% waxaa loo adeegsadaa horumarinta barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada Kuuriyada Waqooyi.

Screenshot