Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hawlgallada ciidamada Puntland ka wadaan buuraha Cal-Miskaad ay si weyn u wiiqeen awoodda dhaqaale iyo tan ciidan ee kooxda Daacish ee Soomaaliya.
Warbixinta QM ayaa lagu sheegay in kooxda ay lumisay ilo muhiim ah oo dhaqaale, gaar ahaan lacagihii baadda ahaa ee ay ka ururin jirtay ganacsatada iyo dadka ku nool deegaannada Puntland, taas oo saameyn ku yeelatay awoodda ay ku maalgeliso howlaheeda.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in hoos u dhac uu ku yimid tirada maleeshiyaadka ajaanibta ah ee ku biiraya kooxda iyo dhaqdhaqaaqyada ay ku soo geli jireen deegaannada Puntland.
QM ayaa xustay in hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin, aan weli la xaqiijin in la dilay, iyadoo la rumeysan yahay inuu ku dhuumanayo dhulka buuraleyda ah.
Dhanka kale, Cabdi Cabdullaahi Aadan oo loo yaqaan “Abu Jinda” ayaa lagu sheegay inuu kooxda u qaabilsan yahay ururinta lacagaha baadda ah ee ay ka hesho dadka iyo ganacsatada

