Sunday, September 6, 2026

Indonesia Oo la Kulantay Foolkaanihii Ugu Weynaa Abid, kaasoo Gaadhay 50,000 oo Feet

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Indonesia ayaa la kulantay foolkaanihii ugu weynaa, kaas oo gaadhay wax ka badan 50,000 oo feet, hawadana ku sii daayey dambas carqaladeeyey duulimaadyada caasimadda Jakarta oo joojiyey.

Qaraxa foolkaanada ayaa hakiyay duulimaadyo badan, waxaana la xiray dhowr garoon diyaaradeed, iyadoo in ka badan 170,000 oo rakaab ah ay saameeyeen dib-u-dhaca iyo baaqashada duulimaadyada.

Foolkaane xad ka bax ah, daad waa weyn iyo dabaylo waa dhacdooyinka ay dunidu wajahayso waayadan oo aan hore u badnayn, kuwaa oo abuuray cabsi.

Geeska Afrika, waxa si weyn looga digayaa Roobab wata daadad badan oo la filayo.