Anwar Gargash, oo ah lataliye u qaabilsan madaxweynaha Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in dalkiisu uu dhisayo waddooyin kale oo loo maro dhoofinta tamarta iyo hawlaha ganacsiga, si aanay u noqon kuwa “afduub ugu jira” dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.
“Dhoofinta tamarta, ganacsiga iyo hawlaha dhaqaalaha dalkeenna ma noqon karaan kuwo afduub ugu jira xaaladdan,” ayuu yiri Gargash oo ka hadlayay madal ka dhacday Abu Dhabi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Khudbaddiisa intii lagu guda jiray, ma uusan meesha ka saarin suurtagalnimada in dib loo soo celiyo xiriirka Imaaraadka iyo Iran, balse wuxuu xusay inay qaadan karto tobanaan sano in dib loo dhiso kalsoonida labada dal u dhexeysa ka dib weerarradii ay Iran geysatay.
Anwar Gargash ayaa sidoo kale dhaliilay waddamada Khaliijka Carabta oo ku guuldareystay inay qaadaan tallaabo wadajir ah oo ku aaddan arrinta Iran.
