Siyaasiyiin iyo Waxgarad soo Afjaray Ciidankii Fadaraalka Ee ku Sugnaa Puntland

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

GAROOWE: Siyaasiyiin iyo waxgaradka Gobolka Nugaal oo caawa la shiray Taliye Jimcaale Takar oo hoggaamiya ciidamada Danab ee fadhigoodu yahay Ligle ayaa isku raacay; in ciidamadan ay diwaangelin rasmi ah u samayso Dowladda Puntland, isla markaasna bixiso xuquuqda si joogta ah, iyaga oo sidaasi uga baxaya DFS oo ay ka diwaangashnaayeen, sidaas waxa inoo xaqiijiyey mas’uuliyiin goobjoog ah.

Xasan Sheekh, ayaa tacab badan ku bixiyey sidii ay Ciidamo Federaal ah uga qoran lahaayeen Puntland, islamarkaana uga fulin lahaayeen qorshihiisa siyaasadeed.

Lacag badan iyo hub ayuu u dhiibay saraakiil ka soo jeedda Puntland, si ay hawshaas uga shaqeeyaan. Dedaaladaas ayaa se ku soo gabagaboobay guuldaro.

Tani ayaa imanaysa xilli galabta dhaqdhaqaaq ciidan ay samaysay Puntland, oo hadda soo afmeertay guud ahaan ciidamadii Dawlada Fadaraalka ee deegaannadeeda.

Dedaalo ay wadaan waxgarad kala duwan, oo uu ka mid yahay Senator Faroole ayaa Gen. Jimcaale oo ugu muhiimsanaa saraakiisha ay muuqataa inuu isaguna kaga baxay gacanta Xasan, lana saftay qaddiyadda dadkiisa Puntland.