Tuesday, August 18, 2026

Diyaarad Daroon ah Oo Dad Shacab ah ku Laysay Gobolka Nugaal Ee Puntland.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Afar dhalinyaro ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen duqeyn galabta ka dhacday xeebta deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in duqeynta ay fulisay diyaaradaha Dronka ee Turkiga.

Allaha u naxariistee dadka ku geeriyooday duqeynta ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:

– Axmed Cali Jaamac Dhahar
– Heego Maxamed Ducaaale
– Waaraad Yuusuf Cubeed
– Seexato Yuusuf Cilmi

Sidoo kale maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin dhacdadan, balse Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Garmaal ayaa sheegaya in afartan marxuum ay ka mid ahaayeen sideed dhalinyaro hubaysan ah oo soo Af-duubtay markab hub u siday magaalada Muqdisho, kaasoo marayay xeebta degmada Eyl.

Markabkan oo magaciisu yahay M/V LUTUF waa markab hub sida oo ku gooshayay calanka dalka Cameron waxaana iska leh shirkad Turkish ah sidaan xogta ku helnay, waxana saarnaa 10 shaqaale ah oo ay ku jiraan 6 Hindi ah, 1 Turkish ah, 1 Georgian iyo laba ilaalo ah oo aanan jinsiyadooda helin.

Markabkan waxa af-duubtay 8 burcad-badeed ah waxaana qabashadiisa loo adeegsaday markab kale oo horay ugu af-duubnaa burcad-badeeda oo magaciisu yahay MV Sward, kaasi oo sida Qalabka Bacriminta Beeraha.

Haddaba, sidee wax u dhaceen Galabta?

Duqayntan ayaa timid kadib markii 4 kamid ah kooxdii Markabka af-duubtay oo saxiimad yar watay ay adeeg u doonteen dhanka berriga kadibna waxa duqeysay diyaarad Drone ah oo Turkigu lee yahay sidaan ka xigannay saraakiil ka tirsan hay’ada Amniga Puntland.