Wednesday, August 19, 2026

Puntland: Dhalinyaradii Duqaynta Lagu Dilay Shalay Oo Lagu Aasay Degaan Xeebeedka Garmaal ee G/Nugaal..

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Deegaan xeebeedka Garmaal ee Gobolka Nugaal ayaa waxa galabta lagu aasay afar dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo shalay lagu diley duqayn lala beegsaday xeebta deegaankooda, iyada oo ehelada ay duqayntan ku eedeeyeen Turkiga oo la sheegey in uu leeyahay mid ka mid ah maraakiibta lagu haysto Deegaankaasi.

Kiisaska burcad-badeeda Soomaaliya ayaa kordhay, inta lagu jiro xiisadda Bariga-dhexe, iyada oo dhowr markab oo laga doonayo madax-furasho lagu haysto xeebaha bari ee dalka.

Puntland, Dawlada Fadaraalka Somaliya iyo dawlada Turkiga ayaan mid-na ka hadlin dhacdan iyo maraakiibta afduubka loo haysto.